Xiligu Waa dabayaaqadii 2015kii xiligaas oo ay soo idlaatay yagleelidda maamulkii ku meel gaadhka ahaa ee jubbaland, bulshada qaybaheeda kala duwanna ay dib u bilaabeen rajo galkii aayo ka fekerka nolosha.
Waa iska aduunyoo dhararba meel bay joogtaaye waxaa culuays badan ku yimid qaar ka mid ah maqaaxilaydii magaalada oo dhibaato adag ku qabay wasaqda iyo hadhaadiga kasoo baxa meheradahooda.
Waxaa jirtay in booskasta oo banaani ahaa qashin qub haba ugu sii daraadaan kuwa danta guud ee ay dawladu lahayd nasiibna aan u helin cid gacanta kusii haysa.
Waxaa si is xilqaan ah lagu nadifiiyay xarumo Dan-guud ahaa oo dayactirkooda dib rajo loogu helay, iyo qaybo yar yar oo ka mid ah xeebaha magaalada oo ay si wada jir ah usameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada reer kismayo hase ahaatee taasi ma ahayn wax wax ka taraya culuska tirada badan ee qashinka sanooyin tiro ah lagu daadinayay (qubayay) wadooyinka, xeebaha iyo boosaska banaan ee magaalada kismayo.
Nasiib wanaag bilowgii 2015 waxay garteen xubno ka mid ah ganacsatadii ka qayb qaadan jiray ololeyaasha isxilqaanka dib usoo celinta bilicda magaalada in ay tahay lagama maar maan in la helo cid u is istaagta hawsha nadaafada magaalada kismayo, kadib gorfayn iyo talo wadaag ay lasameeyeen dawladii hoose ee xiligaa jirtay ayaa la isla qaatay in hawshan loo idmado shirkad gaar ah taas oo wax badan galisa:
- Wacyi galinta bulshada
- Nadiifinta wadooyinka,
- Goobaha dawlada
- Xeebaha magaalada kismayo
Waxaa xusid mudan in ganacsatadii hawsha soo curiyay aan lagu ixtiraamin balse tartan adag la galiyay nasiib wanaagna waxaa nasiiibku saacaday Waamo oo ay ka mid ahaayeen isxolqaamayashii ugu badnaa ee ololeyaasha ka qayb qaadanay.
Kadib dedaal dheer, rafasho, ku noqnoqosho badan, sabir iyo dhabar adayg ay wada jir u bixiyeen Maamulka, hay’adaha Amniga iyo Waamo muddo kadhow 3 sano, waxaa cagaheeda si toos ugu istaagtay shirkadda Nadaafadda Wamo waste Management taasi oo gundhig ay u noqdeen inta deegaakan ay lexjecladu ka hayso ee in dheer garadka bulshada ree jubbaland qaybaheeda kala duwan ah.
Waxaan qiraynaa in ay jireen ganacsato, saraakiil, gabdho iyo hooyooyin laga yaabo in aan xitaa qashin laga qaadin ay si tani u taabo gasho shaqo a buurno ugu noqoto dhalin somaliyeed gartay hadii waliba in ay bixiyaan khidmada yar ee lagu rukunto adeega wamo, runtiina bah waamo ma mooga mana moogaan doonto bulshadaas.
Ugu dambayn isku taashigaa bulsho go’aan adayga dawladdii hoose iyo dulqaadka waamo waxay sababtay in kismayo wax badan iska badalaan noqoto mid Nadiif ah laga dhameeyo wadooyinka qajeclayaashii wadhnaa dib loogu wada noqdo xurumha qashinka lagu guri jiray, la nadiifiyo dhamaan xeebaha magaalada, in taas oo ay bar bar socoto gundhigistii adeega kale ee maalinlaha, Asbuuc laha iyo Bilaha ah si aysan u dhicin in markale bulshadu u baahato in qashin qub ay ka dhigato goobaha caamka ah.
Waamo iyadoo taa ka ambaqadaysa waxay waqti, hanti iyo muruqba galisay sidii loo heli lahaa goob lagu xakamayn karo qashinka kasoo baxa magaalada kismayo, taas oo ugu dambayn ku soo idlaatay in la hir-galiyo godod waawayn oo lagu xakameeyo qashinka kaas oo u baahan in cagaf laguu riixo markuu soo buuxsamo.
Shirkaddu waxay maalinkasta qaadaa qashinka ay shaqaalaha dawladaha hoose ka uruuriyaan wadooyinka magaalada, waxay bilaash ugu shaqaysaa inta badan xarumaha dawlada si gaar ah kuwo hay’adaha Amniga sidoo kale waxay qiimo aad u yar ugu shaqaysaa dan yarta kadib marka la xaqiijiyo , barakacayaasha iyo waayeelka aan haysan ubad si ku haboon u xanaaneeya.
Shirkadda Nadaafadda ee waamo waa mid ka mid ah shirkadaha tirade yar ee ka hana qaday gayiga soomalida waxaa xusid mudan in magaaloyin badan oo soomaliyeed oo sanad ama labo ka hor laga hirgaliyay adeegan ay waamo tusaale iyo talo siiyo u ahayd ilaa ugu dambayn ay cagahooda isku taageen.
Shirkaddu waxay bulshadeeda ku wargalinaysaa in ay sii dardar galinayso hawlaheeda nadaafadeed, dhankooda waxay bulshada faraysaa in ay iyaguna isku xilqaamaan xoojinta ilaalinta iyo tayaynta bilicda sidii hore si kasii haboon bacdamaa aan helay wadooyin qorxoon oo bilicda magaalada waxbadan ka taraya si gaar ah ganacsatada saaran wadooyinku waa in ay gartaan inta yar ee iyaga laga qaado uun in lagu qaadayo wadada uu ku ganacsanayo waxa laga qaado.
Wixii faahfahin ee intaa dheer fadlan kala xidhiidh
0614331133
0619331133
0612577544
06165775444
03495703
E-mail; – wamowaste.co@gmail.com
Website: – www.Waamowaste.com
Muuqaalkan hoose waa xiligii ay waamo shaqada bilowday iyo xaalku suu ahaa
https://youtu.be/_eoxjDyHOk4?si=DQRCMf8cC9aZ20pm
Muuqaalkana kalana waa sanad ka hore iyo xaalka maalinkaa
Mahadsanidiin